Lionel Messi oo aqbalay qandaraaska Paris Saint-Germain. (Fabrizio Romano)

Lionel Messi ayaa ogolaaday inuu u saxiixo Paris Saint-Germain heshiis hordhac ah oo labo sano ah, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano .

Les Parisiens ayaa laga tixgalinayaa saxiixa 34 jirkaan tan iyo markii uu ka dhawaajiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago Barcelona xagaagii lasoo dhaafay, inkasta oo uu damacsanaa inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha maaliyadeed ayaa ka hor istaagay Messi inuu sii dheereeyo waayihiisa Catalonia, kooxda ay xafiiltamaan ee PSG ayaa ugu horeysan tartanka weeraryahanka.

PSG ayaa la fahansanaa inay u soo bandhigtay Messi heshiis laba sano ah, xog-hayaha suuqa looga danbeeyo Romano ayaa sheegay in xiddiga reer Argentina uu haatan aqbalay dalabka kooxda Ligue 1.

Romano ayaa intaa ku daray in Messi uu dhawaan u duuli doono Paris si uu qalinka ugu duugo heshiiska ilaa 2023 oo ay u furan tahay 12 bilood oo kale, wuxuuna jeebka ku shuban doonaa € 35m (£ 29.6m) sanadkiiba.

Manchester United ayaa lagu xamanayay inay isku diyaarineysay isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku dooneysay inay ku tijaabiso Messi Old Trafford, laakiin waxay u muuqataa in Red Devils ay ku guuldareysatay loolankii adeegiisa.

Messi ayaa ku guuleystay 10 horyaal oo La Liga ah iyo afar Champions League 16-kii sano ee uu ku sugnaa kooxda koowaad ee Barcelona, ​​isagoo dhaliyay 672 gool iyo 305 caawin 778 kulan oo uu saftay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE