Lionel Messi oo gaaray Paris ka hor inta uusan heshiis u saxiixin Paris Saint-Germain

Xiddiga ku guuleystay lix jeer Ballon d’Or Lionel Messi ayaa gaaray Paris ka hor inta uusan u saxiixin Paris Saint-Germain heshiis labo sano ah xagaagan.

34 jirkaan ayaa ka tagaya Barcelona ka dib 21 sano oo guulo waa weyn uu ku qaatay kooxda reer Catalan, kuwaasoo awoodi waayay inay dib ula saxiixdaan weeraryahanka sababo la xiriira “caqabado dhaqaale iyo qaab dhismeed” .

Messi ayaa saaka ka soo baxay gurigiisa oo ku yaal magaalada Barcelona ka hor inta uusan u duulin garoonka diyaaradaha ee Le Bourget, oo ku yaalla waqooyiga caasimadda Faransiiska, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u fara badan oo taageerayaasha PSG ah.

Heshiiska ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay in la soo gabagabeeyo, iyadoo kooxda Paris ka dhisan ay Twitter -ka soo dhigtay fiidiyoow qosol leh, oo ay weheliyaan ereyada “Dheeman cusub ee Paris”.

Messi ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiis ku kacaya £ 25m sanadkii canshuurta ka dib, oo lagu daray gunooyin, sidoo kale wuxuu heystaa ikhtiyaar uu ku sii dheereysto joogitaankiisa sanad kale.

Xiddiga reer Argentina ayaa qarka u saaran inuu la midoobo saaxiibkiisii ​​hore ee Barca Neymar , kaasoo muddo dheer ka hadlayay rabitaankiisa ah inuu mar kale ka garab ciyaaro Messi.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE