Liverpool oo loo sheegay qiimaha ay kula wareegi karto Jeremy Doku

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay inay ku iibsan karto £ 38m weeraryahanka da’da yar ee Jeremy Doku oo ka tirsan Rennes xagaagan.

Iyada oo aan la hubin mustaqbalka fog ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane , Reds ayaa loo malaynayaa inay xiiso u qabto Doku, kaasoo laba jeer u saftay Belgium Euro 2020.

Isku diyaarinta bixitaankiisa suurtogalka ah, Les Rouge et Noir ayaa si dhaqso leh ugu dhaqaaqay saxiixa Kamaldeen Sulemana , kaasoo shabaqa soo taabtay kulankii Lens isbuucaan halka Doku uu kursiga keydka ka daawanayay.

Sida laga soo xigtay Voetbal24 , Liverpool ayaa weli xiiseyneysa weeraryahanka, laakiin kooxda Bruno Genesio ma tixgelin doonto iibin haddii aysan helin dalab dhan £ 38m.

Doku wuxuu kaliya u saxeexay Rennes bishii Oktoobar 2020 waxana heshiiska uu kula jiro kooxda Ligue 1 dhacayaa ilaa 2025.

19 jirkaan ayaa dhaliyay labo gool iyo seddex caawin 30 kulan oo uu saftay Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore waxaana uu ku soo bilowday Belgium quarter-final-ka Euro 2020 oo uu la ciyaaray Italy.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleReal Madrid oo weli ku rajo weyn inay lasoo saxiixato xiddiga PSG Kylian Mbappe xagaagan


Source: laacibfm

SHARE