Manchester United oo go’ankii ugu danbeeyay ka gaartay Kieran Trippier

Manchester United ayaa soo afjartay baacsigii ay ugu jirtay Kieran Trippier ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Red Devils ayaa Old Trafford ku wajihi doonta Leeds United Sabtida si ay u bilowdo ololaha 2021/22.

Waxay durbaba la soo wareegeen Tom Heaton , Jadon Sancho iyo Raphael Varane xagaagan.

Daafaca midig ee Atletico Madrid Trippier ayaa ahaa bartilmaameed xagaaga oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Mirror ayaa sheegeysa in Ole Gunnar Solskjaer uusan mar dambe dooneyn inuu la soo wareego xiddiga reer England.

Solskjaer ayaa dareensan in Diogo Dalot, oo xilli ciyaareedkii hore ku qaatay AC Milan , uu wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore si uu boos uga helo kooxdiisa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE