Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Manchester United oo tijaabineysa Dalab ay u dirto Lionel Messi, Xanta ku Saabsan Jeremy Doku, Romelu Lukaku, Raheem Sterling iyo Qodobo kale

Ku dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa laga yaabaa inay diyaariso dalab soo daahay si ay u tijaabiso weeraryahankii hore ee Barcelona Lionel Messi, oo 34 jir ah, kaasi oo lagu xamanayo ku biirista Paris St-Germain (Daily Star)

PSG ayaa u furan inay iibiso ilaa 10 ciyaartoy, oo uu ku jiro laacibkii hore ee Everton ee Idrissa Gueye, oo 31 jir ah, si ay u dhammaystiraan saxiixa halyeeyga reer Argentina. (theathletic)

Kooxda reer France ayaa sidoo kale soo afjartay xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United iyo xulka France Paul Pogba oo 28 jir ah (Le Parisien)

Isagoo qaatay qeybta koowaad ee tijaabada caafimaadka Chelsea weeraryahanka Inter Milan ee reer Belgium Romelu Lukaku, oo 28 jir ah, ayaa ciyaari kara kulanka furitaanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Crystal Palace Sabtida. (Daily Star)

Lyon ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka Liverpool iyo Switzerland Xherdan Shaqiri oo 29 jir ah (L’Equipe)

Liverpool ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara Rennes iyo Belgium Jeremy Doku, oo 19 jir ah (Voetbal 24)

Weeraryahanka Chelsea ee England Tammy Abraham, oo 23 jir ah, waxaa isha ku haya Arsenal, Roma iyo Atalanta (Goal)

Roma ayaa ku dhow inay heshiis 34 milyan oo ginni ah kula soo wareegto Abraham iyadoo Chelsea ay dooneyso inay amaah ku fasaxdo weeraryahanka aan booska ka heysan. (Boostada)

Tababaraha Roma Jose Mourinho ayaa sidoo kale doonaya inuu u dhaqaaqo weeraryahanka Arsenal iyo France Alexander Lacazette oo 30 jir ah (tbrfootball)

Leicester ayaa isha ku heysa inay la soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard, oo 28 jir ah, haddii xiddiga kale ee reer England James Maddison, oo 24 jir ah, uu ka tago kooxda. (football.London)

Dawacooyinka ayaa sidoo kale la sheegay inay doonayaan 21 jirka Schalke ee daafaca dhexe uga ciyaara Turkiga Ozan Kabak-oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay Liverpool-iyo daafaca West Ham ee reer France Issa Diop, 24. (Leicester Mercury)

Everton ayaa xiiseyneysa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Newcastle United Sean Longstaff oo 23 jir ah (Athletic)

Bayern Munich ayaa ka fiirsaneysa inay dib ula soo saxiixato Franck Ribery. 38 jirkaan garabka ka ciyaara ee reer France ayaa kooxda la tababaranayay tan iyo markii uu ka tagay Fiorentina (Gazzetta dello Sport)

Xiddiga garabka uga ciyaara Manchester City ee England Raheem Sterling oo 26 jir ah ayaa qarka u saaran inuu wadahadalo qandaraas cusub la galo kooxda. (thesun)

Daafaca City ee England John Stones oo 27 jir ah ayaa ogolaaday heshiis 250 kun ginni isbuucii ah inuu la sii joogo kooxda heysata horyaalka Ingariiska ilaa 2026. (dailymail)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo xulka France Tanguy Ndombele oo 24 jir ah ayaa ka fikiraya mustaqbalkiisa Spurs. (theathletic)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE