Grealish oo ka dhawaajiyay Qofka ka Caawiyay in uu ku biiro Kooxda Manchester City

Manchester City xiddigeeda Jack Grealish ayaa shaaca ka qaday in xidigii hore ee Chelsea John Terry uu ka caawiyay ku biirista kooxdiisa cusub.

Grealish ayaa xaqiijiyey inuu ka soo wareegay Aston Villa una wareejiyay kooxda heysata horyaalka Premier League.

In kasta oo loolan loogu jiro boosaska aagagga weerarka ee City, Grealish wuxuu rumeysan yahay inuu horumar sameyn karo oo uu qiil u yeeli karo qiimihiisa 100 milyan ee ginni.

Isagoo ka hadlayay Isniintii intii lagu guda jiray soo bandhigidiisa, Grealish wuxuu yiri “Waxaan kula hadlay John Terry Villa wuxuuna igu yiri markaad taagantahay oo aad maqasho heesta [Champions League] oo ciyaareysa, ma jirto wax ka wanaagsan.

“Ma sugi karo inaan sidaas sameeyo.

“Way adkayd, Talaadada, Habeennada Arbacada daawashada ciyaaraha [Champions League].

“Waxaan aaminsanahay inaan ciyaari karo kulamadan mana jirto wax ka wanaagsan daawashada kulamadaas.

“Waxaan xusuustaa daawashadii City v PSG sanadkii hore, heerkana wuxuu ahaa mid laga caroodo, inaan ku lug yeesho waxay noqon doontaa riyo ii rumowday iyo wax aan aad u doonayo inaan sameeyo”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE