Samuel Umtiti oo Cadeeyay go’ankiisa kooxda Barcelona

Daafaca Barcelona Samuel Umtiti ayaa la filayaa inuu doonayo joogitaanka kooxda inta ka dhiman qandaraaskiisa Camp Nou.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa si xoog leh loogu saadaalinayay inuu ka tago kooxda halka Joan Laporta iyo kooxdu ay isku dayayeen inay ka wada xaajoodaan heshiiska cusub ee Lionel Messi , kaasoo hadda dhammaystiray u dhaqaaqista Paris Saint-Germain.

In kasta oo uu Messi ka tegey kooxda haddana Barca ayaa weli raadinaysa inay dhimeyso mushaharka kooxda iyada oo ay jirto xaalad maaliyadeed oo aad u daran, Umtiti ayaa la fahamsan yahay inuu ka mid yahay magacyada ku jira in la diro.

Heshiiska uu 27 jirkaan kula jiro kooxda reer Catalan ma dhacayo ilaa 2023, inkastoo Mundo Deportivo ay warinayso inuu doonayo inuu kooxda sii joogo labada sano ee soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa intaas ku dartay in Umtiti uu ka fiirsan doono inuu baxo haddii koox ajnabi ah oo u tartameysa hanashada horyaalka ay garaacdo, iyadoo kooxda Lyon loo maleynayo inay xiiseyneyso inay dib ula soo saxiixato .

Umtiti ayaa kaliya saftay 16 kulan tartamada oo dhan intii lagu guda jiray ololihii dhaawacu soo gaaray 2020-21, wuxuuna ku soo bilowday kaliya lix kulan oo La Liga ah intii uu maamulayay Ronald Koeman .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE