Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Romelu Lukaku oo Caawa Gaaraya London si uu u Saxiixo Qandaraaskiisa, Xaalka Paulo Dybala, Aaron Ramsdale iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Leicester ayaa ogolaatay heshiis ku kacaya £ 15 milyan ($ 21m) si ay ula soo saxiixato daafaca Southampton Jannik Vestergaard, sida ay qortay The Telegraph.

Weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku ayaa u duulidoona London habeenka Arbacada oo caawa ah si uu u saxiixo qandaraaskiisa Chelsea , sida uu sheegay saxafiga Talyaaniga Fabrizio Romano .

Chelsea ayaa aqbashay dalab ay Tammy Abraham uga iibineyso Roma oo ku kacaya 40 million (£ 34m/$ 47m), sida ay  fahansan tahay Goal .

Paulo Dybala iyo Juventus ayaa wadahadalo ku saabsan saxiixa qandaraas cusub yeeshay maanta. Sky Sport 

Arsenal ayaa ku dhow inay la soo wareegto goolhaye Aaron Ramsdale oo ka yimid Sheffield United, sida laga soo xigtay Football.London

Bayern Munich ayaa maanta ku dhawaaqi doonta heshiiska cusub ee Joshua Kimmich, sida ay qortay Sky Sport .

Newcastle ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga qadka dhexe ee Roma Carles Perez si amaah ah oo ikhtiyaar u ah inay iibsato, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Lazio ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo horumar leh kula jirto Arsenal si ay u hesho qadka dhexe Lucas Torreira, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport.

Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay dooneysay inay la soo wareegto Marco Verratti markii uu joogay kooxda, isagoo dhanka kale ku tilmaamay xiddiga Paris Saint-Germain inuu yahay “ifafaale”.  Goal .

Sevilla ayaa ku dhow inay la soo wareegto daafaca midig ee River Plate Gonzalo Montiel – sida laga soo xigtay Estadio Deportivo .

Weeraryahanka Milan Samu Castillejo ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro u dhaqaaqista Getafe, sida laga soo xigtay AS .

Inter ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Everton Moise Kean – sida laga soo xigtay Sky Sports .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE