Manchester City oo kula tartameysa Barcelona, ​​Real Madrid saxiixa Yuri Alberto

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Internacional Yuri Alberto laakiin waxay u badan tahay inay tartan adag kala kulmaan saxiixiisa.

20 jirkaan ayaa dhaliyay 21 gool 65 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan, halka uu labo jeer u saftay xulka Brazil ee 23 jirada.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa labaduba la sheegay inay ku raad joogaan da’yarkan oo saddex gool ka dhaliyay Internacional kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Flamengo kulankii ugu dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , waxaa sidoo kale jira xiiso dhab ah oo ka imanaya Man City, iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League la sheegay inay ‘la dhacday kubadiisa’.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Arsenal ay sidoo kale raadineyso Alberto, iyadoo Internacional ay suuragal tahay inay u furan tahay dalabyada € 10m (£ 8.5m).

xidiga Koonfurta Ameerika weli waxaa ka harsan afar sano si uu u sii wado qandaraaskiisa Clube do Povo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE