Manchester United oo miisaameysa inay u dhaqaaqdo xidiga Luka Jovic

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay fiirineyso inay u dhaqaaqdo Real Madrid weeraryahankeeda Luka Jovic .

23 jirkaan ayaa dhaliyay 36 gool 75 kulan oo uu u saftay Eintracht Frankfurt ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid, laakiin waxaa ku adkaatay inuu ka soo muuqdo Bernabeu.

Jovic ayaa dhaliyay kaliya labo gool 32 kulan oo uu u saftay Los Blancos tartamada oo dhan, waxaana mar kale ku adkaan karta inuu ku soo bilowdo xilli ciyaareedka soo socda sababtoo ah joogitaanka Karim Benzema ee kooxda.

Sida laga soo xigtay Tribal Football , Man United ayaa weli u dhaqaaqi karta weeraryahan cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana xiddiga reer Serbia loo aqoonsaday bartilmaameedkiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer uu qiimeenayo ‘Jovic, iyo helitaankiisa.

Da’yarkii hore ee Red Star Belgrade, oo qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku soo qaatay Eintracht Frankfurt, ayaa weli waxaa u harsan afar sano si uu u sii wado qandaraaskiisa Bernabeu.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE