Phil Foden oo Cadeeyay mudada uu Garoomada ka Maaqnaanayo iyo Xaalada Dhaawiciisa

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Xiddiga Manchester City Phil Foden ayaa ku qiyaasay inuu garoomada ka maqnaan doono seddex ilaa afar isbuuc oo kale madaama uu weli ka soo kabsanayo dhaawac cagta ah.

Foden ayaa ku dhaawacmay tababarka ka hor finalka Euro 2020 waxaana lagu qasbay inuu daawado iyadoo England ay ku dhacday Italy rigoore.

21 jirkaan ayaa hadafkiisu yahay inuu taam noqdo bisha Sebtember iyadoo City ay isku diyaarineyso inay difaacato hanashada Premier League oo ay la ciyaari doonto Tottenham axada.

“Wali waa xoogaa xanuun,” Foden ayaa u sheegay Sky Sports dhibaatada cagta. “Ceeb bay ahayd inaan sameeyo ka hor finalka Euro, laakiin waxaan si adag uga shaqeynayaa qolka jimicsiga.

Markii la weydiiyay inta uu seegi doono, Foden wuxuu ku jawaabay: “Waxaan dhihi lahaa qiyaastii saddex illaa afar toddobaad oo dheeri ah.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleChelsea oo heshiis ku aadan Tammy Ibraahim la gaartay Kooxda Roma ee Dalka Italy
Next articleFonte: Maalin Walbo Ayaa Ronaldo Waydiiyaa in uu ku soo biiro Lille


Source: laacibfm

SHARE