Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Manchester United oo loo gudbiyay Dalab ku aadan Anthony Martial, Saxiixa Romelu Lukaku ee Cheslea iyo Qodobo kale

Ku dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Romelu Lukaku ayaa qarka u saaran inuu dhammaystiro heshiiska 98-ka Milyan ee pound ah ee uu Chelsea ugu wareegayo, 28 sano jirkaas ayaa London ka degay Arbacadii shalay. Sky Sports)

Tottenham ayaa u dhaqaaqi karta weeraryahanka Fiorentina ee Dusan Vlahovic oo 60 Milyan oo pound lagu qiimeeyo haddiiba ay Harry Kane ka iibiyaan Man City. (Sport Witness)

Arsenal ayaa iskaga baxday wadahadaladii ay ku doonaysay goolhayaha kooxda Sheffield United ee Aaron Ramsdale iyaga oo diiday inay bixiyaan 30-ka Milyan ee pound ee kooxdaasi dalbanayso. (Football. London)

Manchester United ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqi doonta saxeexa Raphael Varane kaddib markii uu tijaabada caafimaadka maray shalay oo Arbaca ahayd. (Sun)

Chelsea ayaa aqbashay dalab 34 Milyan oo pound ah oo ay Tammy Abraham kaga iibinayso kooxda AS Roma, heshiiska ayaa lagu daray qoddob dhigaya in Chelsea ay dib usoo iibsan karto mustaqbalka. (Goal)

Roma tababaraheeda Jose Mourinho ayaa Khamiista maanta ah la hadli doona Abraham si uu ugu qanciyo inuu kooxdaas kula soo biiro. (Mirror)

Arsenal ayaa weeraryahankeeda Alexandre Lacazette u bandhigi doonta Roma si ay u fududaysato heshiiska ay Chelsea kaga heli karto Tammy Abraham. (Calciomercato – in Italian)

Sevilla ayaa rajaynaysa inay iibiso daafaceeda Jules Kounde balse Chelsea ayaan doonayn inay bixiso 68-ka Milyan ee pound ee heshiiskiisa lagu jabin karo waxaana macquul ah inay ciyaaryahan ku darto dalabkeeda. (Evening Standard)

Sevilla ayaa Chelsea u ogolaan doonta inay 20 Milyan oo pound sanado kala duwan ku bixiso haddiiba ay lacagta ka bixinayso Kounde maadaama oo ay Blues ka cabsi qabaan sharciga dhaqaale wanaaga Yurub. (90min)

Southampton ayaa aqbashay dalab 15 Milyan oo pound ah oo ay Leicester kasoo gudbisay daafaceeda dhexe ee Jannik Vestergaard. (Daily Echo)

Tottenham Hotspur iyo Aston Villa ayaa labaduba dalabaad u diyaarinaya 26 sano jirka kooxda Southampton ee James Ward-Prowse. (Telegraph – subscription required)

Lyon ayaa Liverpool kula jirta wadahadalo ay ku doonayso khadka dhexe ee Xherdan Shaqiri. (Sky Sports)

Barcelona ayuu wali kabtankeedii hore ee Lionel Messi ku leeyahay lacag 39 Milyan oo euro ah oo ah qoddob dhigayay daacadnimadiisa kooxda lacagta uu ku helayo oo ku jiray heshiiskiisii ugu dambeeyay. (El Espanol, via 90min)

Inter Milan ayaa xiisaynaysa saxeexa Moise Kean oo Everton ka tirsan xilli ciyaareedkii horena qaab amaah ah ugu maqnaa PSG. (Sky Sports)

Inter ayaa dalab 50 Milyan oo pound ah ka gudbinaysay Anthony Martial balse Man United ayaan doonayn inay iibiso 25 sano jirkaas. (Mail)

Lazio ayaa ku dhaw inay Arsenal amaah kaga qaadato khadka dhexe ee Lucas Torreira iyagoo heshiiska rasmi ka dhigi kara sanad kaddib. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Newcastle United iyo Joe Willock ayaa wali ku kala fog heshiiska shaqsiga ah kaddib markii ay Magpies heshiis 25 Milyan oo pound ah Arsenal kala gaadheen saxeexa 21 sano jirkaas. (Sky Sports)

Tottenham ayaa kor u qaadaysa doonisteeda khadka dhexe ee Sporting Lisbon ee Joao Palhinha iyadoo tababare Nuno Espirito Santo uu mudo dheer la dhacsanaa 26 sano jirkaas khadka dhexe. (A Bola – in Portuguese)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE