Atletico Madrid oo isha ku heysa Saxiixa Xidiga Dusan Vlahovic oo Fiorentina ka tirsan

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Atletico Madrid ayaa qarka u saaran inay bilowdo dalab ay kula soo saxiixaneyso Dusan Vlahovic, sida ay ku warameyso Gianluca Di Marzio .

Atleti ayaa qarka u saaran inay soo bandhigto € 60m halka sidoo kale uu ku jiro heshiiska dhaliyaha reer Argentina Nehuen Perez.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 21 gool 37 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu haatan qandaraas kula jiraa Fiorentina ilaa 2023.

Kooxda reer Spain ayaa sanadkan dooneysa in mar kale ay dhigto Wacdaro kadib markii Sanadkii hore ku guuleysatay hanashada Horyaalka La Liga.

Atletico Madrid ayaa dhanka kale dooneysa in ay dib ula soo wareegto xidigo badan kuwaasi oo horay kooxda uga tirsanaa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleXidiga Barcelona Umtiti oo diiday Heshiis uu ugu biiri lahaa kooxda Benfica
Next articleTammy Abraham oo go’an kasoo saaray ku biirista kooxda Roma ee Italy


Source: laacibfm

SHARE