Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Harry Kane oo ka hadlay Kalsoonidiisa ku biirista Manchester City, Xaalka Philippe Coutinho, Manuel Locatelli, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Kooxaha Juventus iyo Sassuolo ayaa yeeshay kulan bilow ah oo ay kaga wada hadlayeen sidii Manuel Locatelli ugu biiri lahaa kooxda Juventus, Goal

Leicester ayaa dhameystirtay saxiixa Jannik Vestergaard oo uga yimid Southampton, sida ay xaqiijisay kooxda .

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa diiday inuu ka hadlo Harry Kane markii wax laga weydiiyay weeraryahanka Tottenham Hotspur intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id ee maanta. Sportsmole

Harry Kane ayaa kalsooni ku qaba in go’aan laga gaari doono mustaqbalkiisa ka dib marka Tottenham ay wajahdo Manchester City axada, sida ay qortay Standard Sport.

Tottenham ayaa u diyaarineysa £ 55 milyan ($ 76m) daafaca Villarreal Pau Torres Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa hore loola xiriirinayay kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Manchester City. sida laga soo xigtay The Times

Roma ayaa ku fashilmatay Abraham waxana hada ay xidiga Liecester City ee Kelechi Iheanacho u aqoonsatay badalka xidigan  Sky Sports

Barcelona ayaa u soo bandhigtay Philippe Coutinho Lazio laakiin heshiiska ayaa shaki ku jira, sida ay qortay Gazzetta dello Sport .

Sevilla ayaa ku dhow inay la soo wareegto daafaca midig ee kooxda Porto Jesus Corona, sida laga soo xigtay O Jogo .

Real Madrid ayaa qorshaynaysa inay 120 milyan oo euro oo u dhiganta (£ 102m/$ 141m) si ay ku hesho xiddiga Paris Saint -Germain ee Kylian Mbappe – sida laga soo xigtay Cadena SER .

Chelsea ayaa diiday fursad ay kula saxiixan lahayd Robert Lewandowski 80 milyan oo euro (£ 68m/$ 94m) horaantii xagaagan – sida laga soo xigtay BILD .

Arsenal, sida laga soo xigtay The Times , waxay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada Pierre-Emerick Aubameyang.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE