Xidiga Barcelona Umtiti oo diiday Heshiis uu ugu biiri lahaa kooxda Benfica

Daafaca Barcelona Samuel Umtiti ayaa diyaar u ah inuu diido ku biirista Benfica – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Kooxda reer Portugal ayaa u gudbisay dalab 10 milyan euro ah 27 jirkaan, laakiin waxaa ka go’an inuu sii joogo Camp Nou oo uu u dagaallamo booskiisa.

Umtiti waa mid ka mid ah dhowr xiddig oo Barca ah oo loo malaynayo inay iibin doonaan iyagoo doonaya inay yareeyaan biilka mushaharkooda ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka cusub ee La Liga.

Xidigan ayaa ayaa horay u sheegay in uu doonayo joogitaanka kooxda lakin Xaalada Mushaharka ee kooxda ayaa keeneysa in la fasaxo.

Umtiti ayaa lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay qorshihii kooxda Barcelona ku Fasaxday xidiga Messi oo ku biiray kooxda PSG.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE