Chelsea oo guul ku daah-furtay Kulankii Crystal Palace ee Horyaalka Premier League

Chelsea ayaa guul ay u qalantay kaga daah furatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay ku garaacday kooxda Crystal Palace 3-0, kulankooda ugu horreeyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

Sharaxaada Ciyaarta

Daqiiqadii 27-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaata waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Marcos Alonso kaddib markii uu dhaliyay laad cajiib ah.

40 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Christian Pulisic ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea isagoo ka faa’iideystay kubad banaanka lasoo dhigay.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 58-aad Trevoh Chalobah oo caawin ka helay saaxiibkiis Mateo Kovacic ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Chelsea, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Kulamada Xiga

Chelsea ayaa Kulankeeda Xiga ee Horyaalka Premier la ciyaaridoonta Kooxda Arsenal 22-ka bisha.

Line-upka Kulankan ee Labada Kooxood

Chelsea XI: Azpilicueta, Alonso, Kovacic, Jorginho, Rudiger, Christensen, E. Mendy, Werner, T. Chalobah, Mount, Pulisic

Subs: Thiago Silva, Zouma, Emerson, Kepa, Abraham, Chilwell, Havertz, Reece James, Hudson-Odoi

Crystal Palace XI: McArthur, Kouyate, Guaita, Ward, Jordan Ayew, Zaha, Schlupp, Riedewald, J. Mateta, Guehi, T. Mitchell

Subs: Benteke, Martin Kelly, Clyne, J. Butland, Andersen, Reece Hannam, Scott Banks, R. Street, Jesuran Rak-Sakyi

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE