Liverpool oo guul ka gaartay Kooxda Norwich City Kulankeeda Horyaalka Premier League

Liverpool ayaa guul muhiim ah kaga daah furatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay kooxda Norwich City 0-3, kulankooda ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub ee 2021-2022.

Sharaxaada Ciyaarta

Daqiiqadii 26-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Diogo Jota, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65aad marka ay ciyaarta aheyd Roberto Firmino oo caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Laacibka reer Massar ee Mohamed Salah ayaa hoggaanka ciyaarta u dheerayay kooxda Liverpool kaddib markii uu dheesha ka dhigay 0-3 ay Reds ku awood sarreysay.

Kulamada Xiga

Kooxda Liverpool ayaa kulankeeda xiga soo dhaweeneysa kooxda Burnley 21 bishan oo sabti ku beegan.

Norwich XI: Krul, Pukki, Rupp, Hanley, Gibson, M. Rashica, D. Giannoulis, Melou, Aarons, Cantwell, Gilmour

Subs: McLean, Gunn, Zimmermann, K. Dowell, J. Sørensen, J. Sargent, B. Mumba, Idah, C. Tzolis

Liverpool XI: Milner, Matip, Alisson, Oxlade-Chamberlain, Salah, Van Dijk, Mane, Naby Keita, Tsimikas, Jota, Alexander-Arnold

Subs: Firmino, Minamino, Origi, Fabinho, Joe Gomez, Kelleher, Woodburn, Konate, Elliott

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE