Real Madrid oo Dalab Cusub ka gudbineysa Kylian Mbappe

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay tijaabiso go’aanka Paris Saint-Germain iyadoo dalab 102 milyan oo ginni ah ka gudbineysa Kylian Mbappe .

Weeraryahanka ayaan weli mustaqbalkiisa u hibeyn kooxda ka dhisan Parc des Princes wixii ka dambeeya 2022, kooxda Mauricio Pochettino ayaa halis ugu jirta inay ku weyso lacag la’aan 12 bilood gudahood.

PSG ayaa la rumeysan yahay in imaatinka Lionel Messi ay ku qancin doonto Mbappe inuu heshiis cusub u saxiixo caasimadda Faransiiska, laakiin warbixin dhowaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in xiddiga reer France uu taa bedelkeeda ka walaacsan yahay saxiixa xidiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Sida laga soo xigtay saxafiga PacoJo Delgado , Real Madrid ayaa isku diyaarineysa isku daygii ugu dambeeyay ee ay kula soo saxiixan laheyd Mbappe xagaagan waxayna diyaar u tahay inay siiso PSG lacago dheeri ah.

Delgado ayaa intaas ku daray in Real Madrid ay filayso in Mbappe uu si xor ah ku yimaado sannadka 2022 haddii PSG ay diido inay iibiso, xiddiga reer France ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo mustaqbalkiisa kooxda Ligue 1 Isniinta.

Mbappe wuxuu ku faanayaa 132 gool 172 kulan oo uu u ciyaaray PSG wuxuuna caawiyey guushii Mauro Icardi maalintii furitaanka ee horyaalka Ligue 1 ee Troyes.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articlePep Guardiola oo ka hadlay Gabriel Jesus iyo Mustaqbalkiisa Kooxda Manchester City


Source: laacibfm

SHARE