Barcelona oo 4-2 ku Garaacday kooxda Real Sociedad, Kulankeeda ugu horeeyay ee Horyaalka Laliga Xagaagan

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhaweesay kooxda Real Sociedad iyagoo ku dubtay 4-2, kulankooda ugu horeeyay ee horyaalka La liga Spain, Barcelona Waxaa kulankan markii ugu horeeyay ka maqnaa kooxda Lionel Messi oo PSG ku biiray.

Sharaxaada Ciyaarta.

Daafaca Kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa daqiiqadii 19-aad u daah-furay goolkooda u horeeyay isagoo caawin ka helay Memphis Depay, Waxana gool labaad ku daray Martin Braithwaite dhamaadka qeybta hore daqiiqadii 45+2aad iyadoo lagu kala nastay labadaasi gool.

xidiga Martin Braithwaite ayaana goolkiisa labaad u dhaliyay Barcelona isagoo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa intaasi kadib Real Sociedad ayaa heshay labo gool oo deg deg ah waxana u kala dhaliyay Julen Lobete Daqiiqadiii 82aad iyo Mikel Oyarzabal daqiiqadii 84aad.

Xidiga Sergi Roberto ayaana goolki Afaraad u dhaliyay Barcelona dhamaadka ciyaarta Daqiiqadii 90+1aad guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 4-2.

Barcelona ayaa kulankeeda ugu horeeyay ee Horyaalka ku daah furatay guul muhiim u ah xili kooxda ay la tacaaleyso dhanka dhaqaalaha.

Kulamada Xiga

Barca ayaa kulanka xiga la ciyaareysa kooxda Atletico Bilbao.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleXiddiga Man Utd Pogba oo qorsheynaya inuu u dhaqaaqo Real Madrid


Source: laacibfm

SHARE