Paris Saint-Germain oo guul ka gaartay Kooxda Strasbourg, Xili Messi lasoo bandhigay

Kooxda Paris Saint-Germain Ayaa Garoonka ku soo dhaweesay Kooxda Strasbourg Kulan ka tirsan Horyaalka Ligue 1 Dalka Faransiiska, Kulan ku soo dhamaaday 4-2.

Sharaxaada Ciyaarta.

Kooxda PSG oo kulankan soo bandhigtay Xidigeeda Cusub ee Messi ayaa qeybta Hore Daqiiqadii 3aad heshay gool uu u dhaliyay Mauro Icardi waxana Gool labaad ku daray Kylian Mbappe ciyaarta oo socota 25 Daqiiqo, Xidiga Julian Draxler ayaana labo Daqiiqo kadib ku daray Goolka 3aad iyadoo lagu kala nastay 3-0.

Kooxda Strasbourg ayaa qeybta Labaad ee Ciyaarta boorka iska jaftay kadib labo Gool ay ka kala heshay Xidigaha Kevin Gameiro 53 Daqiiqo iyo Ludovic Ajorque 64 Daqiiqo lakin labadaasi gool kama caawin in Goosha PSG wax ka badasho madama Goolka Afaraad uu ka dhaliyay Pablo Sarabia ciyaarta oo socota 86 Daqiiqo.

Guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4 iyo 2 waxana Xusid mudan In Xidiga Lionel Messi lagu soo bandhigay Garoonka  Parc des Princes.

Kulamada Xiga.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa kulankeeda Xiga la ciyaaridoonta Kooxda Brest Jimcaha.

Shaxda Labada Kooxood 

PSG XI: Wijnaldum, Navas, Herrera, Draxler, Icardi, Kimpembe, Kehrer, Diallo, Mbappe, Hakimi, E. Ebimbe

Subs: Sarabia, Danilo Pereira, Rico, Rafinha, Muinga, N. Bitumazala, E. Michut, E. Bitshiabu, Ismael Gharbi

Strasbourg XI: Gameiro, Sels, Prcic, Lienard, Aholou, Djiku, L. Ajorque, I. Sissoko, J. Bellegarde, Perrin, K. Fila

Subs: E. Kawashima, A. Waris, Thomasson, M. Chahiri, H. Diallo, Caci, M. Siby, M. Senaya

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE