Manchester United oo weli xiiseyneysa Xidiga Kieran Trippier

Atletico Madrid daafaceeda Kieran Trippier ayaa lagu soo waramayaa weli inuu diirada u saaran yahay Manchester United .

30 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo Red Devils loo maleynayo inay dooneyso inay lasoo saxiixato daafac kale oo ka ciyaara ka hor dhamaadka bishaan.

Heshiiska Trippier ee Wanda Metropolitano ayaa dhici doona bisha Juun 2023, laakiin Atletico ayaa la rumeysan yahay inay ku qiimeyneyso xiddiga heerka caalami ee dalka England 30 milyan oo ginni, taasoo u muuqatay inay ku qiimeysay inuu ku laabto Premier League.

Daafaca midig ayaa wacdaro dhigay tan iyo markii uu u dhaqaaqay Spain, wuxuuna ahaa bedel qeybtii labaad kulankii Atletico ay 2-1 kaga badisay Celta Vigo isbuuca furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee La Liga.

Hadalka ku biirista Man United ayaa qaboojiyay maalmihii la soo dhaafay, laakiin sida uu sheegayo saxafiga reer England Jonathan Shrager , weli waxaa jira xiise ay u qabaan kooxda 20-ka jeer hanatay horyaalka Ingiriiska.

Shrager wuxuu sheeganayaa ‘inay jirto fursad ay dhici karto’, in kasta oo kooxda Ole Gunnar Solskjaer aysan wax horumar ah sameynin marka laga hadlayo heshiiska suurtagalka ah ee da ‘yarkii hore ee Manchester City.

Trippier, oo sidoo kale la sheegay in Arsenal ay dabagal ku heyso , ayaa shan kulan u saftay England xagaagan Koobka Qaramada Yurub, isagoo caawiyay hal caawin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE