Rasmi: Tammy Abraham oo saxiixay heshiis shan sanno ah uu Roma ugu biiray

Tammy Abraham ayaa dhammeystiray ka dhaqaaqistii Chelsea oo uu ugu wareegay Roma heshiis ku kacaya 40 milyan oo euro oo u dhiganta (£ 34m).

Weeraryahanka reer England ayaa heshiis shan sano ah u saxiixay kooxda ka ciyaarta Serie A wuxuuna ka tagayaa Stamford Bridge isagoo dhaliyay 30 gool 82 kulan oo uu saftay kadib markii uu soo maray akadeemiga Blues.

Abraham, oo xiran doona lambarka sagaalaad, ayaa ku yiri mareegaha kooxdiisa cusub: “Waad dareemi kartaa marka koox runtii ku dooneyso – Roma -na si degdeg ah ayay u caddeysay xiisaheeda.

“Roma waa koox u qalanta inay u dagaalanto koobab waxaan khibrad u yeeshay ku guuleysiga koobab waa weyn, waxaana doonayaa inaan mar kale ka qeyb galo tartamadaas – sidaas darteed waxaan rabaa inaan ka caawiyo kooxdan sidii ay ku gaari lahayd heerkaas.

“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan noqdo lambarka sagaalaad ee kooxdaan, mana sugi karo inaan bilaabo oo aan caawiyo kooxda.”

Abraham ayaa raadinayay boos joogta ah wuxuuna la shaqeyn doonaa tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho Stadio Olimpico.

Tababarihii hore ee Blues Frank Lampard ayaa aaminay 23 jirkaan intii lagu jiray ololihii 2019-20, laakiin imaatinka Thomas Tuchel bishii Janaayo ayaa arkay fursadaha xiddiga heerka caalami ee England.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE