Wakiillada Martin Odegaard oo gaaray London si ay ugala hadlaan Arsenal Heshiiska xidigan’

Wakiilada kubad sameeyaha Real Madrid Martin Odegaard ayaa lagu soo waramayaa inay soo gaareen London Isniintii si ay ugala hadlaan ku laabashada Arsenal .

Iyada oo Gunners ay ku daah furatay guul daro xilli ciyaareedka 2020-21, Odegaard waxa uu amaah lix bilood ah ugu ciyaaray kooxda Mikel Arteta .

Kabtanka Norway ayaa diiwaangeliyay laba gool iyo labo caawin 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, Gunners ayaana dooneysay inay si joogta ah dib ula soo saxiixato xagaaga oo dhan.

Real Madrid ayaa loo malaynayaa inay si aad ah ugu furan tahay iibinta suuqa kala iibsiga ee hadda jira, The Mirror ayaa hadda sheeganaysa in wakiilada Odegaard ay yimaadeen caasimadda Ingiriiska si ay horumar uga sameeyaan wada xaajoodka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Odegaard uu marka hore ku soo laaban doono Emirates heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah, ka dibna Gunners ayaa markaasi iibsan karta

22 jirkaan ayaa qandaraas kula jira Real Madrid ilaa xagaaga 2023 laakiin laguma darin kooxda Carlo Ancelotti kulankii Sabtidii ay 4-1 kaga badiyeen Alaves horyaalka La Liga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE