Arsenal oo heshiis la gaartay Real Madrid iyadoo ku iibineysa Martin Odegaard 30 milyan ginni

Kooxaha Arsenal iyo Real Madrid ayaa heshiis ka gaaray kala iibsiga kubad sameeyaha reer Norway Martin Odegaard.

Gunners ayaa wadahadalo la furtay kooxda reer Spain horaantii xagaaga si ay heshiis joogto ah ugu hesho, ka dib markii Odegaard uu qaab ciyaareed amaah ah ku soo bandhigay qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Boss Mikel Arteta ayaa weli ka go’an inuu keeno kubad sameeye waxaana hadda Sportsmail fahamsan tahay in gacmaha la isula tagay heshiis ku kacaya £ 30million (€ 35m).

Heshiiska ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro marxaladaha dambe, iyadoo Odegaard uu diyaar u yahay inuu mar kale ku biiro kooxda weyn ee Arsenal maalmaha soo socda.

Arbacadii Odegaard ayaa ka maqnaa tababarka Real Madrid, halka laga wada hadlayay heshiiska.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE