Barcelona oo soo jeedisay heshiis is dhaafsi oo ku saabsan Ousmane Dembele, iyo Dejan Kulusevski

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay Juventus horaantii xagaagan si ay kooxda heysata horyaalka Talyaaniga u siiso fursad ay kula soo saxiixato Ousmane Dembele oo qeyb ka ah heshiiska is dhaafsiga ee Dejan Kulusevski .

Dembele, oo la dhibtooday dhaawacyo dhowr ah intii uu joogay Camp Nou, ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga soo aaddan, mustaqbalkiisa kooxda reer Catalanna ma cadda.

24 jirkaan ayaa hore loola xiriirinayay Manchester United , halka Juventus la rumeysan yahay inay la dhacsan tahay ciyaaryahankan 30-ka gool dhaliyay 118 kulan oo uu u saftay Barcelona tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Kickoff , kooxda Ronald Koeman ayaa soo jeedisay heshiis is dhaafsi ah oo ay ku lug leeyihiin Dembele iyo Kulusevski, laakiin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa diiday dalabkaas.

Kulusevski wuxuu si joogto ah ugu ciyaarayay juventus intii lagu jiray ololihii 2020-21, isagoo saftay 47 kulan tartammada oo dhan, isagoo gacan ka geystay toddoba gool iyo toddobo caawin.

Weeraryahanka, oo weli afar sano ay uga harsan tahay inuu ku sii socdo Turin, ayaa sidoo kale u ciyaaray Sweden xagaagan Koobka Qaramada Yurub, isagoo gacan ka geystay labo caawin laba kulan oo uu saftay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE