Charlie Hebdo oo sawiray Sawir gacmeed muran badan dhaliyay oo ay ku jiraan Messi iyo Taliban

Wargeyska Charlie Hebdo ayaa mar kale ka soo muuqday wararka caalamka, markan waxaa ka dhex muuqda sawir gacmeed muran badan dhaliyay kaas oo muujinaya Taliban oo xiran funaanadaha Lionel Messi.

warkan wuxuu ku soo beegmayaa ka dib markii ay kooxda Daalibaan si dhaqso leh ula wareegtay Afghanistan, kadib mudo 21 sano ah.

Majaladu waxay daabacadan ku soo aadisay xili dowladaha sida Qadar, oo lagu eedeeyo inay maalgeliso argagixisada Islaamka, iyo xiriirka ka dhexeeya madaxweynaha PSG iyo qoyska amiirka.

Jaldiga cusub, waxaa ka muuqda sawir saddex dumar ah oo xiran indhashareer buluug ah, oo uu ku qoran yahay magaca Messi iyo lambarka 30 -aad, oo uu ku xiran doono PSG, sawirkan waxaa markaas weheliya weedha ah: ‘Taliban, way naga xun yihiin annaga ka fikir. ‘

Nasser Al-Khelaifi, madaxweynaha PSG, wuxuu xiriir la leeyahay qoyska Amiirka Qatar, oo ah dowladda maalgelisa kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE