Lautaro Martinez oo qarka u saaran inuu ogolaado qandaraaska cusub ee Inter Milan

Lautaro Martinez ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo Inter Milan , taasoo soo gabagabeyneysa fursadihii uu xiddiga reer Argentina uga tagi lahaa San Siro inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa labaduba si aad ah loola xiriirinayay weeraryahanka xilli ay soo jeedinayeen in Inter ay u furan tahay inay iska iibiso ka hor waqtiga kama dambaysta ah.

Ku biirista Romelu Lukaku ee £ 97.5m ee Chelsea ayaa fududeysay arrimaha dhaqaalaha kooxda reer Talyaani, inkasta oo sida laga soo xigtay Sky Italia , Martinez uu qarka u saaran yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda ka dhisan San Siro.

Warbixinta ayaa sheegeysa in wakiilka weeraryahanka dhexe uu kulan la qaatay Inter Arbacadii, isla markaana xidiga South America uu ku sii dhowaanayo inuu qalinka ku duugo qandaraas cusub.

Tottenham iyo Atletico Madrid ayaa labaduba la sheegay inay dalabyo u direen 23 jirkaan xagaagan.

Martinez wuxuu ku riyaaqay olole cajiib ah 2020-21 kooxda heysata horyaalka Talyaaniga, isagoo dhaliyay 19 jeer isla markaana diiwaangeliyay 11 caawin 48 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE