Liiska: Shan Xidig oo PSG iska direyso ka hor inta uusan Xirmin Suuqa

Farsamo ahaan, Paris Saint-Germain waxay qarashgareysay kaliya 76 milyan oo euro xagaagan, marka la eego in Lionel Messi, Gianluigi Donnarumma, Sergio Ramos iyo Georginio Wijnaldum ay dhammaantood ku yimaadeen lacag la’aan.

Saxiixyada kaliya ee ay kooxdu ku qasbaneyd inay la wareegto ayaa ahaa ikhtiyaarka Danilo oo ah 16 milyan oo yuuro, iyo 60 milyan oo yuuro ah Achraf Hakimi.

Laakiin Financial Fair Play ayaa ku soo fool leh kooxda waxaana mushaarka weyn ee saxiixyada cusub ay la micno tahay in PSG ay dooneyso inay dhowr ciyaartoy u dhaqaaqdo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay Le Parisien, kooxda ayaa dooneysa inay iska iibiso ugu yaraan shan ciyaaryahan.

Xidigaha waxaa kamid ah Thilo Kehrer, oo ah daafac dhexe oo 24-jir ah oo ay Transfermarkt ku qiimeysay 25 milyan oo euro laakiin wuxuu ka dambeeyaa Marquinhos, Presnel Kimpembe iyo Ramos.

Pablo Sarabia wuxuu qeyb ka ahaa bilowgii Spain Euro 2020, laakiin waa mid kale oo bixi kara, oo lagu qiimeeyay isla 25 milyan oo qiimihiis ah in kasta oo uu 30 sano ku dhow yahay.

Julian Draxler waa xidig kale, oo lagu qiimeeyay 20 milyan oo euro, kaasoo aan waligiis si joogto ah ugu dhex jirin kooxda inkastoo uu afar sano joogay Paris.

Rafinha iyo Layvin Kurzawa ayaa dhammaystiray liiskan, iyadoo PSG ay rajaynayso inay dirto ka hor 31ka Ogosto.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE