Manchester City oo u aqoonsatay Dusan Vlahovic inuu yahay bedelka Harry Kane

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqi doontaa Fiorentina xidigeeda Dusan Vlahovic haddii ay awoodi waayeen in ay keenaan Harry Kane xagaagan.

City waxaa ka go’an inay la soo wareegaan weeraryahan cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, Kane ayaa weli ah bartilmaameedka kooxda, iyadoo kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ay wadahadalo kula jirto Tottenham.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha Spurs Daniel Levy ayaa la sheegay inuu weli ka go’an yahay inuu sii haysto kabtanka England, taasoo ku qasbi karta Man City inay meel kale eegto labada toddobaad ee soo socda.

Sida laga soo xigtay saxafiga Sara Meini , kooxda Pep Guardiola ayaa u aqoonsatay Vlahovic inuu yahay bedelka Kane, iyadoo 21 jirkaan uu ku raaxeysanayo ololaha cajiibka ah ee 2020-21 Fiorentina.

Xiddiga reer Serbia, oo sidoo kale lala xiriirinayo Tottenham, Arsenal iyo Atletico Madrid , ayaa dhaliyay 21 gool 37 kulan oo Serie A uu u saftay La Viola xilli ciyaareedkii hore.

Dhanka kale, Vlahovic ayaa xilli ciyaareedkiisii ​​2021-22-22 ku dhaliyay laba gool kulankii Fiorentina 4-0 kaga badisay Cosenza ee Coppa Italia 13kii Ogosto.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE