Manchester United oo diiday inay Amaah ku bixiso Xidiga Jesse Lingard lakin Qaab kale ayay Doonayaan

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kaliya u ogolaan doonto Jesse Lingard inuu si joogto ah uga tago xagaagan, iyadoo West Ham United ay miisaameyso u dhaqaaqista xiddiga reer England.

28 jirkaan ayaa amaah ku qaatay Hammers qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2020-21, isagoo dhaliyay sagaal gool isla markaana diiwaangeliyay shan caawin 16 kulan oo uu saftay.

Lingard ayaa hadda ku soo laabtay Old Trafford wuxuuna ku lug lahaa diyaargarowgii xilli ciyaareedka ee kooxdiisa laakiin wuxuu seegay kulankii Leeds United ee isbuucii hore, isagoo laga helay cudurka coronavirus.

West Ham ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso inay dib ula soo saxiixato weeraryahanka, laakiin sida laga soo xigtay Daily Mail , Man United ma xiiseyneyso inay mar kale amaah ku siiso bedelkeedana waxay dooneysaa iib joogto ah oo ah £ 25m.

Qandaraaska haatan ee Lingard ee Old Trafford ayaa ku eg bisha June ee soo socota, waxayna u muuqataa inaysan u badneyn inuu heshiis kordhin u saxiixo kooxda 20-ka jeer haysata horyaalka Ingiriiska.

Xiddiga reer England ayaa shabaqa soo taabtay la ciyaartay Burnley.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE