Roma oo dooneysa xiddiga Arsenal Lucas Torreira

Roma ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay u dhaqaaqdo xiddiga qadka dhexe ee Arsenal Lucas Torreira .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Uruguay ayaa ka hoos dhacay dooqa Mikel Arteta intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20 waxaana si amaah ah loogu dhoofiyay Atletico Madrid, halkaasoo nasiibkiisu uusan sidoo kale soo hagaagin.

Torreira ayaa ku soo bilowday kaliya seddex kulan oo La Liga ah intii uu ka hoos ciyaarayay Diego Simeone waxaana si aad ah loola xiriiriyay inuu ku laabto Koonfurta Ameerika.

Si kastaba ha ahaatee, ku noqoshada Serie A ayaa sidoo kale lagu soo qaatay laacibkii hore ee Sampdoria, Calciomercato ayaa hadda sheegtay in tababaraha Roma Jose Mourinho uu aad u jeclaan lahaa inuu dib ugu soo dhaweeyo Talyaaniga.

Xiriirka u dhexeeya Arsenal iyo Roma ayaan loo malaynayn inuu xumaaday, in kasta oo labada kooxood ay wada xaajood ka galeen Granit Xhaka ka hor inta uusan u dhaqaaqin sabab la xiriirta Roma oo aan doonayn inay bixiso qiimaha ay Gunners ku doonayso 20 milyan oo ginni.

Torreira, oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxaha Lazio iyo Fiorentina , ayaa kaliya wax ka yar labo sano uu ku sii joogi karaa heshiiskiisa Emirates, halkaas oo uu ku faanayo afar gool iyo lix caawin 89 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE