Thomas Tuchel oo ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac ee N’Golo Kante ka hor kulanka Arsenal

N’Golo Kante ayaa laga yaabaa inuu ku laabto kooxda Chelsea FC marka ay u safrayaan inay wajahaan Arsenal kulanka Premier League ee axada, Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday.

Blues waxaa ka maqnaa xiddigooda qadka dhexe guushii 3-0 ay ka gaareen Crystal Palace dhammaadkii isbuucaan dhaawac dartiis laakiin waxaa laga yaabaa inuu soo laabto isbuucaan.

Kante ayaa seegay guushii ay ka gaareen Eagles ka dib markii uu soo gaaray dhibaato canqowga ah intii lagu guda jiray guushii Villarreal ee Uefa Super Cup isbuucii hore.

Si kastaba ha ahaatee, 30 jirkaan ayaa lagu wadaa inuu ku soo laabto tababarka buuxa maalmaha soo socda waxaana laga yaabaa inuu u tartamo inuu ka soo muuqdo marka ay Blues u safreyso Emirates maalinta axada.

Isagoo ka hadlayey wareysi ay soo xigatay Metro , Tuchel wuxuu yiri: “N’Golo wuxuu dareemay dhaawac canqowga [Jimcihii].

“Wuxuu [marka hore] dareemay kulankii Super Cup ee Villarreal. Wax yar ayuu ku ciyaaray xanuun [Jimcihii] ayuu haddana dareemay.

“Waxaan go’aansannay inaan dibadda u saarno oo aanan halis gelin bilowga xilli ciyaareedka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE