Madaxweynaha Fiorentina oo xaqiijiyay xiisaha Manchester City, iyo Tottenham Hotspur ee Dusan Vlahovic

Madaxweynaha Fiorentina Rocco Commisso ayaa xaqiijiyay in kooxaha premier league ay xiiseynayaan saxiixa Dusan Vlahovic inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

21 jirkaan ayaa ku riyaaqay olole cajiib ah 2020-21 La Viola, isagoo shabaqa soo taabtay 21 jeer 37 kulan oo uu saftay horyaalka Talyaaniga.

Tottenham Hotspur ayaa si xoogan loola xiriirinaayey weeraryahanka, halka Manchester City u aqoonsataycaalamiga bedelka Harry Kane .

Commisso ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan kooxo doonaya heshiiska Vlahovic, laakiin Fiorentina ayaa ka go’an inay sii haysato ugu yaraan 12 bilood oo kale.

Commisso ayaa u sheegay Tgr Rai Toscana . “Waxaa jira kooxo xiiseynaya isaga, laakiin ma aanan dajin qiimihiisa, waxaan doonayaa inuu sii joogo hal xilli ciyaareed oo kale”.

Xiddiga reer Serbia oo sidoo kale xagaagan lala xiriirinayay kooxaha Atletico Madrid iyo Juventus ayaa u dhaliyay kooxdiisa 31 gool 85 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Talyaaniga tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE