Tababaraha Tottenham Nuno Espirito Santo oo iska indho tiray sheekada ku saabsan Harry kane

Tababaraha Tottenham Nuno Espirito Santo ayaa ku adkeysanaya inuusan maqlin guuxa ku xeeran mustaqbalka Harry Kane ee dhawaan soo kordhay.

Kabtanka England ayaa si weyn loogu hadal hayaa cinwaannada warbaahinta isagoo isku dayaya inuu u dhaqaaqo Manchester City, iyadoo Spurs ay hadda ku adkaysato rabitaankeeda ah inay sii haysato ciyaartoy weli saddex sano uga harsan tahay qandaraaskiisa.

Mar kasta oo Nuno uu wajaho saxaafadda waxaa la weydiiyaa xaaladda Kane, waxana hada la waydiiyay in kanne uu diyaar yahay kulanka Wolves Sabtida.

Kane ma uusan ciyaarin City usbuucii la soo dhaafay sabab la xiriirta xilli dambe oo uu ka soo laabtay fasaxa halka uusan sidoo kale u safrin Portugal khamiista lugta hore ee isreebreebka Europa League oo ay la leeyihiin Pacos de Ferreira, in kasta oo dhowr ciyaartoy oo kooxda koowaad ah ay sidoo kale ka tageen .

Weeraryahanka ayaa sii ahaan doona mawduuca ugu kulul ilaa mustaqbalkiisa hal dhinac ama dhinac kale loo kala sooco, laakiin Nuno ma xiiseeyo dhammaan wararka la isla dhexmarayo.

isagoo la hadlaya warbaahinta ayuu markii ugu horeesay ka gaabsaday in uu ka hadlo xidigan taasi oo u muuqata mid sii hurineysa sheekada xidigan.

” Xaqiiqda waxay tahay in kane uu sameenayo tabarka diyaar uu yahay kooxda lakin waxa banaanka laga sheeko taasi oo iska hadal”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE