Xiliga Marcus Rashford uu ku soo laaban karo Manchester United oo la ogaaday

Marcus Rashford ayaa lagu soo waramayaa inuu ku soo laaban karo tababarka Manchester United dhamaadka bishaan, toddobaadyo ka hor taariikhda la filayo inuu ku laabto, qalliinkiisa ka dib.

Weeraryahan Rashford ayaa labo isbuuc ka hor la qalay si uu u saxo dhaawaca garabkiisa ah, United ay ku rajo in uu soo laabto dhawaan.

The Sun ayaa sheegtay in 23 jirkaan laga yaabo inuu tababar fudud ku qaato gudaha 10-ka maalmood ee soo socda, iyadoo Rashford uu durba ka shaqeynayo sidii uu u xoojin lahaa awoodiisa.

United ayaa la sheegay inay ‘ku faraxsan tahay’ sida Rashford uu uga soo kabsaday qaliinkii lagu sameeyay.

Wuxuu ku ciyaaray dhaawacan ololihii Euro 2020 ee England, isagoo markii hore dhaawac ka soo gaaray muruqa bishii November lakin ugu danbeyn ayuu go’aansaday in qaliin lagu sameeyo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE