Liiska: Arsenal oo doonaysa inay iska iibiso Saddex kamid ah Xidigaha Kooxda

Arsenal ayaa raadineysa inay iska fasaxdo seddex ciyaaryahan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Gunners ayaa ku mashquulsanayd inay wajiyo cusub ku soo darto kooxda xagaagan, laakiin waxaa laga yaabaa inay mudnaanta siiso iibinta isbuucyada ugu dambeeya ee suuqa.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano , Arsenal ayaa dooneysa inay xal u hesho garabka reer Brazil Willian.

Wuxuu doonayaa inuu ka tago kooxda, halka daafaca dambeedka midig Hector Bellerin uu sidoo kale doonayo inuu waayo -aragnimo cusub helo.

Lucas Torreira, oo doonayay inuu ku laabto Talyaaniga ama Koonfurta Ameerika, ayaa sidoo kale iib ah ama amaah ah ku bixi kara.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE