Liverpool oo wadahadalo la furaysa laba Kamid ah Xidigaha Kooxda iyadoo wadahadalada Salah ay socdaan

Inkastoo Qandaraaska cusub ee Liverpool ee Salah uusan wali dhamaan.

Majalada TheAthletic ayaa sheegeysa in Reds ay ku kalsoon tahay 29 jirka Mohamed Salah inuu saxiixi doono heshiis cusub kaas oo kusii hayn doona Merseyside ilaa 2025.

Waxaana jira rajo laga qabo inuu raaci doono laba kale oo ka tirsan saaxiibadiisa kooxda.

Wadahadalo ayaa u socda wakiillada Sadio Mane iyo Andy Robertson , kuwaas oo ah dooqa koowaad ee tababare Jurgen Klopp .

Mane, oo 29 jir ah, ayaa laba sano uga hartay heshiiskii dheeraa ee uu saxiixay 2018 waxaana loo saadaalinayaa inuu dib u soo kabsado xilli ciyaareedkan ka dib ololihii liitay ee 2020/21.

Dhanka kale, Robertson oo 27-jir ah ayaa qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 2024-ka, Liverpool ayaana haysata ikhtiyaar ay ku sii dheereysan karto hal sano oo kale.

Laakiin waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah daafacyada bidix ee ugu wanaagsan uguna tiirsanaanta badan adduunka Reds ayaana rajeyneysa inay u gacan geliso heshiis cusub oo tan ka tarjumaya.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE