Tuchel oo Xaqiijiyay in Mid kamid ah Xidigaha Kooxda laga Helay Coronavirus

Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka Chelsea Christian Pulisic laga helay cudurka Covid-19 kaas oo laga reebay kulanka London derby ee ay la ciyaarayaan Arsenal isbuucaan.

Pulisic  wuxuu ciyaaray European Super Cup iyo wareegii koowaad ee Premier League, wuxuuna dhaliyay gool kulankii Crystal Palace.

Thomas Tuchel ayaa yiri: “Nasiib darro waxaa laga helay Corona wuxuuna u baahan yahay inuu raaco hab maamuuska. Ma uusan tababar qaadan diyaarna uma aha kulanka Arsenal.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE