Arsenal oo iska iibineysa ku dhawaad lix ciyaartoy oo kooxda ah

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay iska iibiso ilaa lix ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga 31ka bisha August.

Gunners ayaa ilaa 135 milyan oo ginni ku qarashgareysay xidigo cusub xagaagan, iyadoo Martin Odegaard iyo Aaron Ramsdale ay ku soo qaateen Real Madrid iyo Sheffield United siday u kala horreeyaan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa hadda raadineysa inay dhaqaale ka hesho iibinta ciyaartoy si ay isugu dheelitirto buugaagtooda, sida laga soo xigtay The Mirror , kooxda waqooyiga London ayaa diyaar u ah inay u fasaxdo ilaa lix ciyaaryahan labada toddobaad ee ugu dambeeya daaqadda.

Joe Willock , oo si amaah ah ugu wareegay Newcastle United horaantii bishaan, ayaa ah ka bixitaanka ugu weyn ee Emirates ilaa iyo xagaagan, halka David Luiz la fasaxay iyo William Saliba iyo Matteo Guendouzi oo amaah ugu biiray Marseille.

Waxaa la fahamsan yahay in Willian , Ainsley Maitland-Niles , Eddie Nketiah , Lucas Torreira , Reiss Nelson iyo Sead Kolasinac ay yihiin ciyaartooyda isku diyaarinaya albaabka looga boxo kooxdo.

Hector Bellerin waa ciyaaryahan kale oo lala xiriirinayo inuu xagaaga ka tagayo, iyadoo Barcelona iyo Inter Milan la sheegay inay doonayaan inay u dhaqaaqaan daafaca midig.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE