Hordhac: Kulanka Athletic Bilbao Vs Barcelona ee Horyaalka LaLiga Spain, Shaxda iyo Xidigaha Dhaawaca ah

Kooxda Athletic Bilbao ayaa Garoonkeeda ku soo dhaweeneysa Kooxda Barcelona Kulan ka tirsan Horyaalka LaLiga Spain, Barca ayaa Kulankeeda ugu danbeeyay Basisay Halka Athletic Bilbao lagu qabtay baro.

Athletic Bilbao Vs Barcelona

Tartanka LaLiga

Saacada 23:00 Pm Somalia, Europe 22:00 Pm.

Garoonka San Mamés Barria.

Athletic Bilbao

Athletic Bilbao waxaa dhaawacyo dhowr ah qaba Yuri Berchiche, Peru Nolaskoain, Kenan Kodro, iyo Inigo Cordoba. Ander Capa ayaa sido kale qaba dhaawac ah waxaana laga yaabaa inuusan ciyaarin kulankaan.

Dhaawac: Peru Nolaskoain, Kenan Kodro, Inigo Cordoba, Alex Petx

Shaki: Ander Capa

Barcelona

Ansu Fati, Sergio Aguero, Ousmane Dembele, iyo Marc-Andre ter Stegen ayaa haatan ka soo kabsanaya dhaawacyo waqti dheer ah waxaana laga saaray kulankaan. Oscar Mingueza ayaa weli ka soo kaban dhaawacii soo gaaray waxaana laga yaabaa inuusan ciyaarin kulankaan.

Dhaawacyada: Ansu Fati, Ousmane Dembele, Marc-Andre ter Stegen, Philippe Coutinho, Sergio Aguero

Shaki: Oscar Mingueza.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Athletic Bilbao XI (4-4-2): Julen Agirrezabala; Mikel Balenziaga, Inigo Martinez, Yeray Alvarez, Oscar De Marcos; Unai Vencedor, Unai Garcia, Iker Muniain, Alex Berenguer; Oihan Sancet, Inaki Williams.

Barcelona XI (4-3-3): Neto; Jordi Alba, Gerard Pique, Ronald Araujo, Sergino Dest; Sergio Busquets, Sergi Roberto, Pedri; Memphis Depay, Antoine Griezmann, Martin Braithwaite.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood.

Barcelona ayaa rikoor cajiib ah ka heysata Athletic Bilbao waxayna badisay 39 ka mid ah 60 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood. 

Athletic Bilbao ayaa sagaal guulood ka gaartay Barcelona waxayna u baahan doontaa inay xoojiso kulankaan.

Kulankii hore ee labada kooxood ayaa dhacay horaantii sanadkan wuxuuna ku soo dhamaaday 4-0 oo ay ku badisay Barcelona.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE