Juventus oo diyaar u ah in Bayern Munich ay ka iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan

Mid ka mid ah laacibiinta kooxda Juventus ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo qaaradda Yurub ah, waxaana ugu caansan naadiga ka dhisan dalka Jarmalka ee Bayern Munich.

Ciyaaryahanka reer America ee Weston McKennie ayaa kaliya joogay Juventus hal xilli ciyaareed wuxuuna cadeeyay inuu ka mid yahay xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican Serie A.

Waxa uu ku jiray qaab ciyaareed wanaagsan ka hoos shaqeyntiisii Andrea Pirlo xilli ciyaareedkii hore, isaga oo wacdaro ka dhigay ku dhawaad ​​50 kulan uu u ciyaaray Bianconeri.

Weston McKennie Waxa uu fure u noqon karaa Juve ololahan haddii uu sii joogo, laakiin kooxda Cajuusta ayaa u baahan lacag waana sababata keeneysaa in la iibiyo.

Calciomercatoweb ayaa werineysa in kooxo dhowr ah ay raadinayaan saxiixiisa sidoo kale Bayern Munich ayaa iyaduna dooneysa.

Jarmalka ayaa wax ka weydiisay helitaankiisa waxaana lagu wargeliyay inuu noqon doono heshiis ku kacaya 30m Euro.

Juve ayaa kula soo wareegtay xidigan ku dhawaad ​​20m Euro waxaana lacagtaas ay ka dhigan tahay faa’ido deg-deg oo ah 10m euro haddii Jarmalku aqbalo qiimaha xiligan.

Massimiliano Allegri ayaa kalsooni ku qaba inuu buuxiyo booska McKennie maadaama uu helay saxiixa Manuel Locatelli isla markaana uu kooxdiisa ku heysto ciyaartoy kale oo khadka dhexe ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE