Manchester City oo 5-0 uga badisay Kooxda Norwich City Kulankeeda labaad ee Hoyraalka Premier League

kooxda Manchester City ayaa Shan gool iyo Ebar uga uga badisay kooxda Norwich City kulan ka tirsan Horyaalka Premier league oo lagu ciyaaray Garoonka Etihad Stadium.

Sharaxaad Ciyaarta

Manchester City ayaa goolka hore heshay Daqiiqadii 7aad ee ciyaarta waxana iska dhaliyay Tim Krul iyadoo goolka labaad uu ku daray Xidiga ku cusub kooxda ee Jack Grealish Daqiiqadii 22aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay labadaasi gool.

City ayaa qeybta labaad ee ciyaarta halkeeda kasii waday goolasha shanta ah ee kulankan iyadoo Aymeric Laporte uu goolka 3aad dhaliyay Daqiiqadii 64aad isagoo ka faa’ideestay kubad koorna aheyd, Raheem Sterling ayaana 6 daqiiqo kadib ku daray goolka afaraad ka hor inta uusan goolka shanaad raacsiin Riyad Mahrez Daqiiqadii 84aad ee ciyaarta.

Guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5-0 iyadoo City ay dib boorka iskaga soo jaftay kadib guul daradii kasoo gaartay kooxda Tottenham todobaadkii hore.

Kulanka Xiga

Kooxda Manchester City ayaa kulankeeda xiga la ciyaareysa kooxda Arsenal Sabti 28 Bisha.

Shaxda Kulankan ee Labada Kooxood

Man City XI: Walker, Gundogan, Cancelo, Laporte, Ederson, Grealish, Ruben Dias, Bernardo, Jesus, Rodri, Ferran Torres

Subs: Fernandinho, Mahrez, Sterling, Mendy, Ake, Zinchenko, Z. Steffen, C. Palmer, Doyle

Norwich XI: Krul, Pukki, Rupp, Hanley, Gibson, M. Rashica, D. Giannoulis, Melou, Aarons, Cantwell, Gilmour

Subs: McLean, Gunn, K. Dowell, J. Sørensen, J. Sargent, B. Mumba, Idah, C. Tzolis, A. Omobamidele

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE