Manchester City oo dul dhigtay Xidiga Aymeric Laporte aduun dhan £ 60m

Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay 60 milyan ginni dul dhigtay daafaca dhexe ee Aymeric Laporte .

27 jirkaan ayaa Etihad Stadium uga soo dhaqaaqay Athletic Bilbao bishii Janaayo 2018 markaas oo City ay bixisay qandaraaskiisa oo lagu burburin karay 57 milyan ginni.

Laporte ayaa si joogto ah ugu hoos ciyaarayay Pep Guardiola ilaa xilli ciyaareedkii hore, markaasoo xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uu booskiisa waayay John Stones , taasina waxay keentay inuu hadda ka fikiro inuu ka tago Etihad Stadium.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , City ayaa ka fiirsan doonta iibinta Laporte haddii ay helaan dalab ku kacaya ugu yaraan £ 60m.

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay muujiyeen xiisaha ay u qabaan daafaca dambeedka dhexe, inkasta oo labada kooxood ay ku adkaan doonto inay maalgeliyaan heshiiska City.

Laporte ayaa 111 kulan u saftay tartamada oo dhan Citizens wuxuuna ku guuleystay 10 koob, oo ay ku jiraan saddex horyaal oo Premier League ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE