Manchester United oo iska diiday Heshiiska isdhaafsi Nemanja Matic iyo Aaron Ramsey

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd Aaron Ramsey horaantii xagaagan heshiiskaasoo Nemanja Matic u jihaysan lahaa dhanka Juventus .

Mustaqbalka Ramsey ee Turin ayaa wali shaki la gelinayaa, iyadoo xiddiga reer Wales loo maleynayo inuu diyaar u noqon karo suuqa kala iibsiga.

Dhanka kale, Matic, waxaa weli u harsan laba sano heshiiskiisa Old Trafford, laakiin 33 jirkaan ayaa hoos u dhacaya marka ay timaaddo boosaska khadka dhexe ee Man United.

Sida laga soo xigtay saxafi Duncan Castles , kooxda heysata horyaalka Ingriiska 20 jeer ayaa la siiyay fursad ay kula soo saxiixdaan Ramsey iyadoo Matic uu u dhaqaaqay dhanka kale, laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiday soo jeedinta.

“Juventus ayaa xagaagii soo jeedisay heshiis is dhaafsi ah Nemanja Matic kaas oo arki lahaa Aaron Ramsey oo u socda dhinaca kale ee United. Waxaa diiday kooxda Manchester,” Castles ayaa u sheegay The Podcast Window podcast.

Ramsey ayaa horay ugu soo ciyaaray Premier League kooxda Arsenal intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2019, isagoo Gunners u saftay 369 kulan ka hor inta uusan beeca xorta ah ugu biirin Juventus.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE