Hordhac: Kulanka Southampton Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League, Shaxda Macquulka iyo Liiska Xidigaha Maqan

Kooxda Southampton Ayaa Garoonkeeda St. Mary’s Stadium ku soo dhaweeneysa Kooxda Manchester United Kulan ka tirsan Horyaalka Premier league, Manchester United oo Sanadkan lasoo wareegtay Xidigo dhoor ah ayaa Kulankan Ciyaareysa Xili Kulankeeda ugu Danbeeyay ay Dirtay Fariin Culus.

Wararka Labada Kooxood

Southampton

Southampton waxaa ka maqnaan doona da’yarka qadka dhexe Will Smallbone iyo daafaca bidix Sam McQueen. Ralph Hasenhuttl ayaa la filayaa in uu heysto koox taam u ah kulankan.

Dhaawacmay: Will Smallbone, Sam McQueen

Manchester United

Dhanka kale, tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ma awoodi doono inuu u yeero adeega weeraryahanka Marcus Rashford iyo daafaca bidix ee reer Brazil Alex Telles, halka uu jiro shaki ku saabsan helitaanka goolhaye Dean Henderson iyo xiddiga reer Uruguay Edinson Cavani.

Dhaawac: Marcus Rashford, Alex Telles

Shaki: Dean Henderson, Edinson Cavani

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Saadaasha (4-4-2): Alex McCarthy, Tino Livramento, Jan Bednarek, Mohammed Salisu, Romain Perraud, Theo Walcott, James Ward-Prowse, Oriol Romeu, Moussa Djenepo, Che Adams, Adam Armstrong

Manchester United (4-2-3-1): David de Gea, Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire , Luke Shaw , Scott McTominay, Fred, Jadon Sancho, Bruno Fernandes, Paul Pogba, Mason Greenwood.

Southampton Vs Manchester United 

Tartanka Premier league

Saacada 16:00 Pm Somalia, Europe 15:00 Pm

Garoonka St. Mary’s Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE