Hordhac: Kulanka Udinese Vs Juventus ee Horyaalka Serie A Italy, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Dhaawaca ah

Kooxda Udinese ayaa Kulan ka tirsan Horyaalka Serie A waxay Garoonkeeda Dacia Arena – Friuli Stadium ku soo dhaweeneysa Kooxda Juventus, Juventus waxaa Ka Cusub Macalinkeeda dhawaan ku soo biiray.

Wararka Labada Kooxood

Udinese

Ilija Nestorovski ayaa mudo dheer ka maqan Kooxdiisa Waxa uu ka soo kabanayaa dhaawac halis ah oo ACL ah waxaana la filayaa inuu dib ugu soo laabto xerada kaliya dhammaadka sannadka. Mato Jajalo ayaa laba dhaawac soo gaadhay ololihii la soo dhaafay laakiin hadda ayuu ku soo laabtay taam ahaanshihiisa .

Dhaawac: Ilija Nestorovski

Juventus

Ciyaartoyda qadka dhexe Arthur iyo Adrien Rabiot ayaa dhaawac looga saaray kulankaan. Arthur ayaa soo kabanaya kadib qaliin looga sameeyay jilibka waxaana la filayaa inuu ku soo laabto garoomada bisha October. Rabiot ayaa ku dhaawacmay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka wuxuuna ka soo kabsanayaa muruqa.

Weston McKennie ayaa ganaax ku seegaya kulankaan sababo la xiriira kaarka jaalaha ee ololihii hore.

Dhaawac: Arthur, Adrien Rabiot

La hakiyay : Weston McKennie

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood

Udinese (3-5-2) : Marco Silvestri; Rodrigo Becao, Samir, Bram Nuytinck; Nahuel Molina, Roberto Pererya, Walace, Jean-Victor Makengo, Jens Stryger Larsen; Cristo González, Gerard Deulofeu

Juventus (4-3-3): Wojceich Szczesny; Matthijs de Ligt, Leonardo Bonucci, Alex Sandro, Juan Cuadrado; Rodrigo Bentancur, Aaron Ramsey, Federico Bernadeschi; Federico Chiesa, Cristiano Ronaldo, Paulo Dybala.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Waxaa jira ilaa 102 kulan oo dhexmaray labada dhinac ilaa hadda. Bianconeri ayaa ah kooxda ugu awooda badan kulankaan waxaana badiyay in ka badan kala bar dhammaan kulamadan.

Waxay heleen 68 guulood oo magacooda ah waxayna leeyihiin 10 guul 12 -kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka horyimaadeen kooxda martida loo ahaa.

Udinese ayaa awooday inay guul ka gaarto kooxda ka dhisan Turin 13 jeer illaa iyo hadda waxayna kala qeybsadeen 21 jeer.

Juventus ayaa xilli ciyaareedkii hore guul gaartay Labadii Kulan ee Ciyaarewn waxayna 4-1 ku badisay Juventus Stadium sidoo kale waxay 2-1 kaga badisay Udinese ciyaartii dambe.

Udinese Vs Juventus 

Tartanka Serie A

Saacada 19:30 Pm Somalia, Europe 18:30 Pm

Garoonka Dacia Arena – Friuli Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE