Tuchel: Waxaan ku booriyay Chelsea inaysan ceyrin Lampard

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu ku booriyay kooxda inaysan ceyrin Frank Lampard .

Tuchel ayaa bedelay Lampard bishii Janaayo wuxuuna u horseeday Chelsea inay ku guuleysato finalka Champions League.

Tuchel ayuu u sheegay Sky Sports : “run ahaantii waxaan ku idhi guddiga:’? hibiya arintan waayo Waxaa laga yaabaa inuu u qalmo waqti dheeraad ah ‘Marka aan ka fakarayo Chelsea , waxaan ka fikiraa Frank Lampard , John Terry , Petr Cech iyo Didier Drogba .

“Waxaan u maleynayaa Lampard inuu yahay kan ugu horreeya maxaa yeelay waa astaanta wax walba oo ay Chelsea tahay: shaqo adag, ciyaartoy dagaal badan, hoggaamiyeyaal waa weyn, laakiin isla markaasna ah nin caadi ah oo garoonka ku jira iyo ciyaaryahan koox weyn ah, waa halyeey run ah.

“Ma filan kartid in qof walba uu ku farxo in tababaraha uu baxo.

Waxaan ku iri Asxaabta i dhageysta Aniga ma riixin Lampard in kooxda laga buriyo Waxaan diyaar u ahay in aan shaqadeeda wato marka aan wada jir u shaqeyno.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE