Chelsea oo Xiriir toos ah la sameesay kooxda Sevilla oo ku aadan Heshiiska Jules Kounde

Chelsea ayaa hadda ‘xiriir toos ah’ la leh Sevilla iyadoo laga yaabo inay heshiis la gasho daafaca dhexe ee Faransiiska Jules Kounde , sida uu sheegay saxafiga Talyaaniga Fabrizio Romano .

Blues ayaa si aad ah loola xiriirinayay 22 jirkaan isbuucyadii la soo dhaafay, waxaana warbixin dhawaan la sheegay in kooxda heysata Champions League ay durba heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca.

Sida laga soo xigtay Romano, Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta Sevilla oo ku saabsan Kounde, kooxda Premier League ayaana isku diyaarineysa inay soo gudbiso dalab cusub maadaama waqtiga uu ku eg yahay suuqa kala iibsiga ee haatan.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ayaa sheeganaya in ‘waqtiga uu noqon doono furaha’, maadaama kooxda reer France ee La Liga ay dooneyso waqti ay ku saxiixato bedelkiisa.

Kounde, oo xulkiisa u saftay koobkii qaramada Yurub ee xagaagan, ayaa loo malaynayaa inuu lagu qiimeeyo € 70m (£ 59.6m).

Da’yarkii hore ee Bordeaux ayaa 89 kulan u saftay Los Nervionenses tartamada oo dhan walina waxaa u harsan saddex sano si uu u sii wado heshiiskiisa haatan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE