Man City oo dalab kama dambeys ah ka gudbin doonta weeraryahanka Tottenham Harry Kane

Manchester City ayaa diyaar u ah inay hal dalab oo kama dambeys ah ka gudbiso weeraryahanka Tottenham Harry Kane .

The Telegraph ayaa sheegeysa in City ayaa isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso Kane ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Kooxda Pep Guardiola ayaa dhawaan aragtay dalab £ 125million ah oo ay ku dooneyso kabtanka England waxaana si weyn u diiday guddoomiyaha Spurs Daniel Levy .

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxda Waqooyiga London ay ku qiimeneyso £ 150million xiddigooda, kaasoo 23 gool iyo 14 caawin u sameeyay Lilywhites xilli ciyaareedkii hore.

City ayaa usbuucaan u soo bandhigi doonta kabtanka England dalabkii ugu danbeeyay madama suuqa uu xirmayo talaalada soo socota

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE