Romelu Lukaku oo ka hadlay Dareenkiisa Goolkii ugu horeeyay ee uu Chelsea u dhaliyo

Weeraryahanka Chelsea Romelu Lukaku ayaa sheegay in goolkii uu ka dhaliyay Arsenal axadii uu ahaa midka uu ugu jeclaa Premier League.

Saxiixa cusub ee Lukaku ayaa waqti yar ku lumiyey inuu saameyn ku yeesho kulanka Blues, isagoo dhameystiray dhaq-dhaqaaq xarago leh, kaasoo uu si aad ah ugu lug lahaa dhisidda, iyadoo kaliya 15 daqiiqo ay saacaddu ahayd.

“Taasi waxay ahayd tii iigu fiicneyd” ayuu yiri Lukaku markii la weydiiyay inuu qiimeeyo goolka marka loo eego kuwa kale ee uu ka dhaliyay horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska.

“Waad ogtihiin sida qiiro iigu jirtay aniga. Sida iska cad waxay ahayd taabasho, laakiin dhisitaanku wuu fiicnaa.

“Runtii si fiican ayaan u ciyaarnay, waan awoodnay, waxaan dhalin karnay goolal intaas ka badan, laakiin inaan halkaan ku imaado qaab ciyaareedkan waa mid wanaagsan, waa inaan sidaas ku sii wadnaa.

“Hadda waa inaan sii wadnaa shaqada, sii wadnaa dhismaha, sii wadnaa inaan sii xoogeysano maxaa yeelay Premier League waa mid tartan badan, waxaan diyaar u nahay loolanka waxaanan ku rajo weynahay inaan tan horumarin karno”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE